Calanka Qaranka oo mar kale laga taagay deegaanka Bacaadweyne

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Labada ciidan oo 6-dii bishan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi ayaa dib uga soo baxay, ka dib markii weerar dhowr jiho leh ay kala kulmeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada oo tan iyo xilligaa ku sugnaa duleedka Bacaadweyne ayay maanta u suurtagashay inay gudaha u galaan deegaankaasi, xilli aanay wax iska caabin ah kala kulmin Shabaabka.

Taliyaha Ururka Horseed ee Ciidamada Daraawiishta Galmudug, Gaashaanle Maxamed Cali Salaad ayaa sheegay inay deegaankaasi si garbo siman uga taaggeen Calanka Qaranka iyo kan Galmudug.

“Waxaan siibnay catiirtii madoobeyd ee kooxda argagixisada Shabaab, waxaana booskeedii aan surnay Calanka Qaranka iyo kan Galmudug. Argagixisada doolka iyo gardarada ku timid deegaanadeena waxaan ku cadaabi doonnaa gacmaheena.” Ayuu yiri Taliyaha.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa toddobaadkii hore sheegay in uu bilowday guluf ciidan, oo maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com