Ciidamada Militariga oo hawlgal ka sameeyay Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanada Bulacle, Miir-dugul iyo Xersi Fiin ee Gobolka Galgaduud.

Hawlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fariisimo ka sameystay deegaanadii ay hawlgalka ka sameeyeen.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug ayaa hawlgalo ka wada qaybo ka mida Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com