Cumar Filish oo xariga ka jaray wadada Warshadda Caanaha (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray wadada horumarta Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii dib u dhis lagu sameeyay.

Wadadan oo muddooyinkii ugu dambeysay burbursaneyd, dhibaatana ay adeegsigeeda ku qabeen dadka reer Muqdisho ayaa muddo kooban lagu dhisay, iyadoo laga jawaabaya cabashada bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa reer Muqdisho kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada, gaar ahaan wadooyinka.

Dib u dhiska lagu sameeyay wadadan ayaa qayb ka ah howlaha mashaariicda ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ka fulinayo Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com