Deni oo la kulmay ganacsatada Galmudug ee Nairobi (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku joogga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kula kulmay ganacsatada reer Galmudug ee ku ganacsata dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo looga hadlay kulankan ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Galmudug ee ku ganacsata Kenya.

Ganacsatada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay shaqada wanaagsan, ee uu ka qabtay Gobolka Mudug, gaar ahaan amniga iyo horumarka.”

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay iska kaashanayay amniga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com