Jubbaland oo magacawday Guddiga Doorashada Senatorada Aqalka Sare

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa magacaabay Guddiga Doorashada ee Senatorada Aqalka Sare.

Gudoomiyaha ayaa wareegto ku soo magacaabay guddigan oo sagaal xubnood ka kooban, kuwaa oo laba ka mida ay dumar yihiin.

Guddiga Doorashada ayaa muddeen doona xilliga la qabanayo tartanka sideedda xubnood ee Jubbaland ku meteli doona Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Doorashada Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay dhacdo 25 illaa 28 bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com