Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo eedeymo u jeediyay Ra’iisal Wasaare Rooble

Golaha Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, garabka uu hoggaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inaanu ka jawaabin xiriiro uu la sameeyo Gudoomiye Xaashi.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in Gudoomiye Xaashi uu doonayay in Ra’iisal Wasaaruhu kala hadlo arrimo la xiriira doorashada xubnaha Somaliland.

Golaha ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ficil ahaan wixii lagu heshiiyay iyo gudashada waajibaadkii uu dusha u ritay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com