Xabsi weyn oo laga dhisay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta xariga ka jaray xabsi cusub oo laga dhisay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dhulka laga dhisay xabsiga ayaa dhawaan laga qaaday dadka deegaanka, oo aqbalay in dhulkaasi uu noqdo mid dan guud.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo munaasabadda furitaanka xabsigaasi ka hadlayay ayaa yiri “Sharaf ayay ii tahay inaan maanta xariga ka jarno xabsiga loo sameeyay Koonfur Galbeed, lagana dhisay Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xabsigaas oo ah xabsiga ugu weyn amaba ugu horumarsan xabsiyada maanta Somaliya ka dhisan.”

Waxa kaloo uu yiri “Marka ugu horeyso waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo cid kastoo gacan ka gaysatay, oo ay ugu horeeyaan shacabkii Soomaaliyeed ee dhulkan laga qaaday, una bixiyay in dan guud lagu fuliyo, aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin.”

Lafta-gareen ayaa intaa ku daray “Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa hay’adihii iyo dowladihii lacagta ku bixiyay. Dowladda Sweden, si gaar ah ayaan ugu mahadcelineynaa, waxaana ka rajeyneynaa mashruuca inuu sii socdo.”

Munaasabadda xarig jarista ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Cadaaladda Somaliya, Cabadulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com