Guddiga Doorashada Jubbaland ee Aqalka Sare oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed

Guddiga Doorashada Jubbaland ee Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay Guddiga Doorashada Jubbaland.

Labada dhinac ayaa waxay ka wadahadleen qorshaha qabashada ee Doorashada Senatorada Aqalka Sare.

Labada guddi ayaa soo kormeeray hoolka loogu talagalay in lagu qabto Doorashada Senatorada Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Jubbaland ee Aqalka Sare ayaa qaban doono tartanka sideedda xubnood ee Jubbaland ku meteli doona Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Doorashada Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay dhacdo 25 illaa 28 bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com