Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo ka Qayb Galay Kulan loogu Duceynayay Ugaas Taakoy

Kulan Ducaa oo luugu Tacsiyeenayay Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariustee Ugaas Axmed Barre Cali (Ugaas Taakoy) oo 14kii bishaan geeriyooday ayaa maanta logu Qabtay Hoyga Dhaqanka ee Guriga Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ee Magaalada Caabudwaaq.

Waxaa ka soo qayb Galay kulanka Tacsida Ugaas Maxamed Ugaas Axmed, Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Galmudug, maamulka degmada, ururada haweenka, dhalinyarada iyo saraakiisha laamaha amniga ee Galmugud.

Wasiiro iyo xubnaha dhaqanka oo waqti iyo waayo joog badan la ahaa Ugaas ayaa Marxuunka Ducadiisa ku kulmay iyagoona ka sheekeeyey waxa ay ka yaqaaneen Allaha U naxariistee Ugaas Taakooy, waxayna sheegeen in Ugaasku uu ahaa mid Alle xigmad iyo wanaag u dhameeyey wexeena Alle uga baryeen in uu naxariistii Janno ka warabiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com