Xoogag ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo la dhaariyay (SAWIRRO)

Cutubyo ka tirsan Guutada 9aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa maanta tababar loogu soo xiray Xerada Tababarada Ciidamada Somaliya ee Turksom.

Munaasabadda lagu dhaariyay ciidamada soo dhameystay tababarka ay ku qaateen Dugsiga Tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xeradaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka qaybgalay munaasabaddii dhaarinta ciidamadan, oo qayb ka noqonaya Kumaandooska Gorgor.

Tababaro iyo tayayn xoog leh ayaa ku socota Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somaliya, waxayna haatan ciidamadii horey u soo dhameystay tababarada ay gobolada dalka ka wadaan hawlgalo ka dhan ah mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com