Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ciidamado u dirtay jiidda dagaalka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo masuuliyiin kale ayaa shalay galab sagootiyay ciidamo ka qayb qaadan doona dagaalka ka dhanka Ururka TPLF ee ka arrimiya Gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi.

Ciidamadan oo aan tiradooda la shaacin, kana tirsan Xoogaga Liyuu Boolis ayaa ka ambabaxay xero ku taala duleedka Magaalada Dhagaxle.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamadan ayaa taggi doono jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan soodinta uu Maamulka Amxaarada la wadaago Tigrayga.

Lataliyaha Amniga ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Badal Xiis ayaa goor dambe sheegay in tirada ciidamadaasi ay kor u dhaafeyso shan boqol oo askari.

Ciidamadan ayaa waxaa deegaanada Amxaarada gaarsiin doona Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Liyuu Boolis, General Maxamed Axmed Maxamuud Xaaji Tuur.

Madaxweyne Cagjar ayaa u muuqdo mid ka jawaabaya baaqii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu Arbacadii u diray Madaxda Dowlad Deegaanada ee la xiriiray inay ciidamo u diraan gobolkaasi, si dalka looga difaaco TPLF.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com