Midowga Musharaxiinta oo eedeymo u jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa walaac ka muujiyay inaanay doorashada dalka ku qabsoomin waqtigii loogu talagalay, dhowr arrimood oo jira awgood.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in doorashada ay dib u dhac ku keeni karto khilaafka ka taagan Guddiga Doorashada ee kuraasta Gobolada Waqooyi oo laba garab u kala jabay, arrinta Gobolka Gedo oo aan weli xal laga gaarin, caqabadaha siyaasiyadeed iyo amni ee ka jira Gobolka Hiiraan, in aan weli meel la saarin dhaqaalihii doorashada iyo gaabis ay sheegeen in uu ka jiro u diyaargarowga Doorashada Senatorada Aqalka Sare.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay, haddii aan xal deg-deg ahi laga gaarin arrimahan inay markaasi dib u dhac ku keeni doonaan doorasho hufan oo loo wada dhan yahay.

Goluhu waxaa uu sidoo kale walaac ka muujiyay fara-gelin ay sheegeen in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu weli ku hayo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com