Amiirka Ururka Al Shabaab, Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubeyda) ayaa digniin adag u jeediyay Ergada lagu wado inay soo doortaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Garabka Warbaahinta Al Shabaab ee Al-Kataib ayaa xalay baahisay cod 36 daqiiqo soconaya, oo Amiirka Al Shabaab uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka.

Amiirka oo soo hadalqaaday arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa marka hore dadka Soomaaliyeed uga digay inay ka qayb qaataan doorashada.
“Waxaan uga digeynaa ummadeena inay ka qayb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo. Waxaan uga digeynaa inay qayb ka noqoto gumeysiga dalka uu ku jiro, garab iyo sharciyad la siiyo, si ajandaha gaalada wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka, boobka khayraadka dalka, ciribtirka jihaadka & mujaahidiinta, kala qubqubka bulshada iyo inuu dalka weligiis tabac u ahaado shirqoolada gaalada.” Ayuu yiri Amiirka.
Waxaa uu sheegay inay Shabaabku ka soo horjeedaan qorshe kasta buu yiri oo diinteena ka hor imaanaya, dalkana lagu qaybinayo.
“Mujaahidiintu waxay ka soo horjeedaan qorshe kasta, oo diinteena ka hor imaanaya, dalkeena qaybinayo, dadkeenana kala qubqubaya.” Ayuu yiri Amiirka.
Abuu Cubeyda oo digniin adag u jeedinayay Ergada ayaa yiri “Waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa Ergada wax soo xusha, waxaad ogaataan inay nimankan mansab raadiska ah ay idinku dan gaarayaan, gaalnimana ay idin horseedayaan, markay idinku dan gaaraana ay idinka daneysanayaan, amnigiinana ma suggi doonaan, haku kadsoomina ballanqaadyada ay idin fidinayaan, ay ugu horeyso inaad dhaqaale heli doontaan, cidina aysan idin ogaan doonin, codeyntuna ay qarsoodi ahaan doonto.”
Waxa uu intaa ku daray “Waxaad ku tusaale qaadataan masiirka kuwii idinka horeeyay halkuu ku dambeeyay iyo intooda ka nool, hadda nolosha ay ku nool yihiin.”
Amniyaadka Al Shabaab ayaa horey Magaalooyinka Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ugu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaankii 10aad, sanadkii 2016, waxaana xilligaa Xildhibaankiiba soo dooratay 51 ergo.
Golaha Shacabka oo ka kooban 275 kursi, sida uu qorshuhu yahay waxaa sanadkan Xildhibaankiiba soo dooranaya 101 ergo, oo ka imaanaya beesha iska leh kursigaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com