Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed Ciidda Carafo

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidul Adxa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka, ee u dabbaal-degaya farxadda ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyay dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horeeyo.

“Waxaan ku boorinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed ee qorsheynayay sanadkan in ay gutaan rukniga xajka ay bedelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah, oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirigeliyay dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaalanka cadowga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com