Magaalooyinka Soomaalida oo maanta laga wada ciidaayo

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ayaa maanta laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Adxa, si lamid ah dunida Muslimka.

Maamulada ayaa xalay ku dhawaaqay in Talaadada maanta ay tahay tobanka Carafo, isla-markaana ay ciid tahay.

Sidoo kale deegaanada uu ka arrimiya Ururka Al Shabaab ayaa maanta laga ciidayaa.

Ciidul Adxa waa ciidda labaad ee Islaamka uu leeyahay, waxayna geba-gabo u tahay gudashada waajibaadka Xajka.

Ciidaan ayaa noqonayso tii afaraad oo xiriir ah, oo dunida uu ka jiro fayriska safmarka ah ee COVID-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com