Burcad lagu dilay xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi

Ciidamada dharcadka ee Kenya ayaa maanta toogasho ku dilay laba ka mid ah koox burcad ah oo dhac u gaysaneysay bakhaar ku yaala xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Ciidamada ayaa sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, kuwaa oo sida la sheegay ka tirsanaa kooxdaasi burcadda ah.

Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da Kenya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ka hortaggeen fal burcadnimo ah oo laga gaysanayay xaafadda Islii.

Hay’adda CID-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ay u suurtagashay inay toogasho ku dilaan laba ka mida demiile-yaashii falkaasi ku lugta lahaa.

Dowladda Kenya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay adkeysay amniga xaafadda Islii, ka dib markii ay ku soo bateen kooxaha burcadda ee dafa teleefanada gacanta iyo sidoo kale falalka afduubta la xiriira.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com