Madaxweyne Qoorqoor oo kormeeray furinta hore ee dagaalka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Khamiistii kormeeray deegaanada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ay maalmihii ugu dambeysay kala wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo ka ambaxay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku horeeyay deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug, xilli Wisil uu dagaal qaraar ka dhacay 27-kii bishii hore ee June, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen, markii dambena lagu guuleystay in dib looga riixo deegaankaasi.

Saraakiisha Ciidamada oo Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Wisil ayaa uga warbixiyay xaaladda guud ee amniga iyo hawlgalada ka soconaya gobolka intiisa kale.

Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib u gudbay deegaanka Bacaadcadweyne, oo 6-dii bishan ay guluf militari kula wareegeen Ciidamada Huwanta.

War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo Saraakiisha Ciidamada ay gaareen deegaanka Cammaara, oo 9km u jira Bacaadweyne.

Gulufka ballaaran ee ka soconayo Gobolka Mudug ayay Wasaaradda Amniga Galmudug ku sheegtay mid bilow u ah qorshaha Shabaabka looga xoreynayo Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com