Socdaalka Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh ee Cadale (SAWIRRO)

Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tagay Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Safarka ay Madaxweyne-yaashii hore ee dalka uga ambabaxeen Magaalada Muqdisho ayaa ku horeeyay Degmada Warsheekh, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, oo Odayaasha Dhaqanka ugu horeeyaan.

Masuuliyiintan ayaa waxaa Degmada Cadale ku soo dhaweeyay xubno uu horkacayay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi kula hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in Cadale ay tahay degmo qadiimo ah, isla-markaana leh taariikh dheer.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay inay Cadale u yimaadeen u kuurgelidda xaaladda ay ku sugan tahay degmadaasi, sida uu yiri.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmadaasi kulamo kula leh dadka deegaanka iyo Madaxda Hirshabelle.

Waa safarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah oo Madaxweyne-yaashii hore ee dalka ay ku taggaan Cadale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com