Wasiirka Arrimaha Dibadda Ireland oo booqasho ku yimid Muqdisho (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiirka Difaaca Ireland, Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada aragtida Somaliya ee ku aaddan dib-u-eegista Ciidanka AMISOM, dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Somaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo dowladda Ireland uga mahadceliyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

Wasiir Coveney oo ka mahadceliyay soo dhaweyntiisa Muqdisho ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com