Ciidamada gulufka ka wada Gobolada Dhexe oo deeq la gaarsiiyay

Ururada Dhallinyarada & Haweenka ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta deeq ka kooban dawo iyo agab kale gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ee hawlgalka ka wada Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa deeqdaasi ka guddoomay xubno metelayay ururadaasi.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug oo deeqdaasi looga hadlay ayaa u qornaa “Gurmadkii Caasimadda Galmudug oo furimaha dagaalka nagu soo gaaray, mar walba caasimaddu waa hormuudka garashada iyo garab istaagga ciidamada la dagaalamaya argagixisada, waa ku mahadsan tihiin.

Taakulo tii ugu wanaagsanayd uguna qiimaha badnayd ayaad ciidamada ku garab istaagteen Ururada Dhallinyarada & Haweenka Caasimada Galmudug. Sidoo kale Dr. Shiino oo musharax u taagan tartanka Aqalka Sare mar kale waa ku mahadsan tihiin.

Ururada bulshada iyo shacabweynaha Galmudug ee magaalooyinka kale waxaa laga rabaa in ay ku daydaan Caasimadda Galmudug.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com