Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay xubno uu horkacayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland, Siyaad Mursal Maxamed.

Gudoomiye Cirro iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Kismaayo u tagay dardargelinta Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Doorashada Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in la qabto 25-ka illaa 28-ka bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com