Iska horimaad dad ku dhinteen oo ka dhacay Ex Control Afgooye

Iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa saaka ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay muran la xiriira lacagaha canshuuraha ee laga qaado gaadiidka laga raro isgoyskaasi.

Goobjooge ayaa sheegay xilligii uu iska horimaadka bilaabanayay in mashquul uu ka jiray isgoyskaasi, oo sidoo kale lagu canshuuro gaadiidka soo gala iyo kuwa kale ee ka baxa magaalada.

Iska horimaadkan ayaa hakad ku keenay isku socodka gaadiidka isugu kala goosha Caasimadda Muqdisho iyo Gobolada Koonfurta.

Inta laga warqabo saddex qof oo midi ay haweeney tahay ayaa ku dhintay iska horimaadkaasi, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Muqdisho ayaa waxaa ku soo noqnoqday isku dhaca ciidamada dhexdooda ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com