Macluumaad la xiriira gulufka militari ee Gobolada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Daraawiishta Galmudug ayaa toddobaadkii labaad guluf ka dhan maleeshiyada Al Shabaab ka wada Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab laga saaray deegaanada Bacaadweyne, Cammaara, Qaycad iyo Qodqod, haatana ay ciidamada ku wajahan yihiin deegaanada kale ee maleeshiyadaasi kaga sugan tahay gobolka.

Ciidamada ayaa kaabiga ku haya deegaanka Hareeri-dheere oo ku dhow deegaanka Qaycad, halkaasoo ay Jimcihii duqaymo ka gaysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Is ballaarinta ciidamada ayaa loo arkaa mid ku timid Maamulka Joe Biden oo wax ka bedelay siyaasaddii Mareykanka ee hawlgalada Somaliya.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Joe Biden, Mareykanka ayaa hakiyay duqaymihii uu ka gaysanayay deegaanada ay ka arrimiyaan Shabaabka, duqaymahan ayaase dib u bilowday Talaadadii, ka dib markii diyaaradaha Mareykanka ay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Qaycad.

General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa duqaymahan ku sheegay kuwo dhiirigelin u ah dagaalka ay Ciidamada Qalabka Sida kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxay uga dhigan tahay Ciidamada Soomaalida, waa qodobka 1aad’e dhiirigelin, oo ay ku dhiirigelinayso in hawlgaladii argagixiso la dagaalanka iyo xoreynta deegaanada ka dhiman Somaliya, oo ay gacanta ku hayaan Shabaab laga xoreeyo, garab-na ay haystaan.” Ayuu yiri General Tuuryare oo la hadlay VOA.

Tuuryare ayaa yiri “Ciidamada Soomaalidu, haddii ay dhaqdhaqaaq sameeyaan oo loo arko inay dhab ka tahay hawlgalada, caawin ayay helayaan.”

Tuuryare ayaa intaa raaciyay “Qodobka 2aad ayaa ah farriin uu maamulka cusub ee Biden uu diraayo, oo ah istiraatiijiyaddiisii argagixiso la dagaalanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliya aysan waxba iska bedelin. Duqaymihii laga gaystay deegaanada Galmudug ee diyaaradaha Mareykanka ka gaysteen farriimo dadban iyo kuwo toos ahba way xambaarsan yihiin.”

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa Jimcihii sheegay in reer Galmudug ay u dhan yihiin hawlgalada Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay ka jooggaan Galmudug.

“Shacabkayaga meeluu joogaba tuutaa u gashan, rag iyo dumarba, waxayna barbar jooggaan ciidamada, intii aan tuutaha qaadan karina caanaha ayay la daba jooggaan.” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa mar sii horeysay sheegay in uu bilowday hawlgalka xoreynta ee deegaanada Galmudug.

Hawlgalkan oo noqonayo kii ugu ballaarnaa ee Galmudug ku qaaddo deegaanada ay Shabaab ka maamulaan Gobolada Dhexe ayaa ah mid dhowr jiho leh, waxaana kala hoggaaminaya General Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com