Afhayeenkii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo xilka laga qaaday

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa xilka ka qaaday Afhayeenkii Ciidanka Booliska, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), isagoo mid kalena magaacaabay.

Taliyaha ayaa afhayeenka cusub ee Booliska Soomaaliyeed u magacaabay inuu noqdo Cabdifitaax Aadan Xasan, oo muddooyinkii ugu dambeysay ka hoos shaqeynayay Doodisho.

Taliye Xijaar ayaa afhayeenka cusub faray inuu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com