Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ahaa horjoogihii Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa hawlgalada Gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal lagu daabacay barta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay ninkan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan (Seed Xaaris) in lagu qabtay deegaanka Janaale.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ciidanka XDS ayaa gacanta ku dhigay horjogihii Al Shabaab u qaabilsanaa Hawlgalinta Gobolka Shabellaha Hoose. Hawlgal ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu qabtay Cali Maxamed Aadan oo magaca afgarashadiisu yahay Seed Xaaris.”

Shabaabka ayaan looga baran inay ka hadlaan xubnaha ka tirsan, kolka Ciidamada Qalabka Sida ay gacanta ku dhigaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com