Madaxweynaha Galmudug oo dagaalka ugu baaqay reer Baxdo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo booqasho ku joogga deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa kula kulmay Odayaasha Dhaqanka, Waxagaradka iyo Culimada deegaankaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay inay taageeraan hawlgalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ka wadaan Gobolada Dhexe.

“Madaxweynaha ayaa bulshada Baxdo ka xog wareystay xaaladaha amni iyo kuwa bulsho ee magaalada, asagoona kula dardaarmay inay sii joogteeyaan garab istaagga hawlgalada Ciidamada Qalabka Sida ee looga xoreynayo kooxaha argagaxisada deegaanada Galmudug.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Ciidamada ayaa hawlgalka xoogiisa ka wada Gobolka Mudug, iyagoona kula wareegay deegaano ay horey uga arriminayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Galmudug ayaa hawlgalka ka socdo gobolkaasi ku sheegay mid bilow u ah guluf militari oo Shabaab looga xoreynayo deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com