Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddiga xaqiijinta ee qoondada haweenka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, si ay u xaqiijiyaan qoondada haweenka (Boqolkiiba soddon) ee Baarlamaanka Somaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Si loo hubiyo mateleadda haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Somaaliya ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka, ugu yaraan 30% ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.”

Guddigan ayaa Gudoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com