Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa muuqaalka foggaan aragga ee Internet-ka kulan kula qaatay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Maanta oo taariikhdu ku beegneyd 25-ka bishan July ayaa waxaa lagu waday inay bilaabato Doorashada Golaha Aqalka Sare, sida ku cad jadwalka doorashada, lana soo geba-gabeeyo 28-ka bishan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo kulankan looga hadlay ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo habka foggaan aragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan Doorashada Aqalka Sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo Doorashada Aqalka Sare.

Madaxda ayaa isla qaatay in la dardargeliyo Doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay Madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen hawlgalada lagula dagaalamayo argagixisada Al Shabaab ee Ciidamada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com