Qaramada Midoobey oo ka hadashay guddiga xaqiijinta ee qoondada haweenka

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOM) ayaa soo dhaweysay guddiga uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay xaqiijiyaan qoondada haweenka (Boqolkiiba soddon) ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Axaddii magacaabay guddigan oo 13 xubnood ka kooban, gudoomiyena ay u tahay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

UNSOM ayaa qoraal ku sheegtay inay Qaramada Midoobey taageersan tahay in haweenka Soomaaliyeed ay metelaad ku yeeshaan siyaasadda dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Bahda Qaramada Midoobey ee Somaliya waxa ay soo dhaweyneysaa magacaabidda uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku soo magacaabay 13-ka xubnood, oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Qaramada Midoobey waxa ay ku celinaysaa taageeradeeda buuxda ee ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo metelaadooda doorashooyinka soo socda.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com