Qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan oo askar ay ku dhimatay

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhimatay, laba kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii qarax wadada dhinaceeda la dhigay uu maanta haleelay gaari uu leeyahay Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Qaraxa ayaa ka dhacay tuulada Coomaad, oo u dhaxeysa Degmada Matabaan iyo deegaanka Beergadiid ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa sidoo kale uu burbur ka soo gaaray gaarigii ay wateen Ciidanka Xoogga Dalka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, ha yeeshee qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa gaysta maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com