Ra’iisal Wasaare Rooble oo u ambabaxay Magaalada London

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda Magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Magaalada London kaga qaybgelaya shir heer caalami ah, oo looga hadlayo sara u qaadista tayada waxbarashada ee carruurta.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in shirkaasi uu socon doono 28-ka illaa 29-ka bishan.

“Ujeedada shirkuna waxay tahay, sidii Madaxda Soomaaliyeed ay qayb uga noqon laheyd madaxda adduunka ee imaanaysa, waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu khudbad ka jeedin doonnaa shirka caalamiga ah ee ku saabsan waxbarashada, inkastoo Ra’iisal Wasaaraha uu xoogga ku saarayo arrimaha doorashooyinka, haddana arrimaha kale ee Dowladda Somaliya muhiimka u ah ayuu had iyo jeer xoogga saarayaa. Sidaas ayay muhiim ugu tahay inuu shirkaa ka qaybgalo.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Macalimuu ayaa dhanka kale sheegay muddada kooban ee Ra’iisal Wasaaruhu uu jooggo magaaladaasi, in uu kula kulmi doono Ra’iisal Wasaaraha UK, Boris Johnson iyo madax kale.

Waa safarkii ugu horeeyay oo Ra’iisal Wasaare Rooble ugu ambabaxo dalkaasi, tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com