Galmudug oo u diyaargarowday amniga doorashada (SAWIRRO)

Iyadoo qaybo ka mida deegaanada Galmudug ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta waxaa Magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay shir looga hadlayay amniga doorashada dhawaan lagu wado inay ka dhacdo magaaladaasi.

Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa inay ka qabsoomto Doorashada Xubnaha Galmudug ku meteli doono Baarlamaanka Federaalka.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiisha laamaha amniga, AMISOM, Wasiiro ka tirsan Galmudug, xubno ka mid ah Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Galmudug iyo maamulka degmadaasi.

Taliyaha Booliska Galmudug, G/sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa ka qaybgalayaasha u faah faahiyay, sida ay ugu diyaargaroobeen suggida amniga ee doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa hay’adaha amniga ku ammaanay, istiraatiijiyadooda amniga doorashada, isagoo dhinaca kalena faray inay dardargeliyaan dadaaladooda ay amniga ku xaqiijinayaan.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in gacan ay kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab, gacantana kalena ay doorasho ku qabanayaan.

‚ÄúSida aad wada ogtihiin Galmudug waxay ku jirtaa dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxaan go’aansannay in gacan-na aan Al Shabaab ku suulino, gacan-na aan doorasho ku galno.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka.

Galmudug ayaa gulufkii maalmahaanba ka socday Gobolada Dhexe ku sheegtay mid bilow u ah hawlgalada Shabaab looga ciribtirayo Bartamaha Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com