Madaxweynaha Jubbaland oo gudbiyay liiska musharaxiinta Aqalka Sare qaarkood

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Qaranka & Guddiga Doorashada Jubbaland u gudbiyay qaar ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha ayaa wareegto ku soo magacaabay afar xubnood oo midi ay haweeney tahay, kuwaa oo ku tartami doono kuraasta Aqalka Sare ee xubnaha ka imaanaya Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com