Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo gaaray dalka Ingiriiska (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa Arbacada Magaalada London kaga qaybgeli doono shir soconaya 28-ka iyo 29-ka bishan, loogana hadlayo sare u qaadista tayada waxbarashada ee carruurta.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu khudbad ka jeedin doono shirkaasi.

Afhayeenka ayaa tilmaamay muddada uu Ra’iisal Wasaare Rooble ku sugan yahay magaaladaasi in uu kula kulmi doono Ra’iisal Wasaaraha UK, Boris Johnson iyo madax kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com