Wasiir Caadle oo maamul cusub u magacaabay Degmada Matabaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa maamul cusub u magacaabay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa wareegto ku soo magacaabay Maxamed Sheekh Maxamuud Maxamed (Dhoobeey) inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Matabaan.

Sidoo kale Ducaale Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) ayaa loo magacaabay jegada Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee degmadaasi.

Laamaha ammaanka iyo dadka deegaanka ayaa la faray inay la shaqeeyaan masuuliyiinta loo magacaabay degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com