Madaxweyne Lafta-gareen oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay dalka Turkiga oo toddobaadkii ugu dambeeyay uu ku sugnaa, isagoona u joogay howlo shaqo.

Madaxweynaha oo ku hakaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa uga soo gudbay dhanka Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sanadkan oo keliya dhowr jeer u socdaalay dalkaasi Turkiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com