Madaxweyne Qoorqoor oo ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Maqribnimadii ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) iyo xubno kale ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa tan iyo 1-dii bishan socdaal ku marayay Gobolada Mudug iyo Galgaduud, si uu taageero ugu raadiyo gulufka militari ee ka socdo Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa 22-kii bishan kormeeray jiidda hore ee dagaalka, isagoona dhiirigelin ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ee hawlgalka ka wada qaybo ka mida Gobolka Mudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com