Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Alice Albright

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada London kula kulmay Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada, Alice Albright.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay mashaariicda horumarineed ee waxbarashada Somaliya iyo istiraatiijiyadda taakuleynta waxbarashada dalka ee shanta sano ee soo socota.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo looga hadlay kulankan ayaa u qornaa “Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Wasiirka Waxbarshada ayaa kulan la qaatay Alice Albright, Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada taas oo ay ka wadahadleen hormumarinta mashaariicda waxbarashada Somaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta waxbarashada Somaliya ee shanta sano ee soo socota.”

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa London kaga qaybgelaya shir hadlayo sara u qaadista tayada waxbarashada ee carruurta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com