Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Senatoradii lagu doortay Kismaayo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa aqalka martida ee Magaalada Kismaayo casho sharaf ugu sameeyay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka, Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Senatoradii maanta lagu doortay magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa dhammaan dhinacyadan uga mahadceliyay shaqada ay qabteen maalmahii la soo dhaafay, isagoo ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahan yahay ay sii laba jibaaraan, si doorashooyinka ugu dhacaan qaab wanaagsan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa muddeen doona marka uu Madaxweynuhu soo gudbiyo xubnaha kale ee ku tartami doona afarta kursi ee harsan.

Jubbaland oo sideed kursi ku leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa maanta Kismaayo lagu doortay afar ka mida kuraastaasi.

Senatorada la doortay ayaa kala ah Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Senator Iftiin Xasan Baasto, Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com