Wararka ka imaanaya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay uu degmadaasi ka dhacay qarax laga maqlay inta badan xaafadaha degmadaasi.
Qaraxan ayaa ahaa mid la dhigay afaafka hore hoyga uu degmadaasi ka degan yahay Xasan Cali Xasan, Madaxa Waxbarashada ee Degmada Ceelwaaq.
Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ninkaasi uu iska diiday in albaabka guriga uu ka furo rag aan heybtooda la garanayn oo ku soo gargaraacay.
“Dhowr jeer ayay u soo hanjabeen kooxaha argagixisada, isagoo dareenkaasi qaba ayaa 2-dii habeenimo ee xalay guriga lagu soo gargaraacay, shaki ayaa galay, wuuna diiday inuu albaabka ka furo.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo la hadlay Universaltv.
Waxa kaloo uu yiri “Waxay isku dayeen inay guriga u dhacaan, markii ay taasi u suurtageli weydayna waxay qarax dhigeen meel ku beegan daaqadda qolkii uu seexanayay, si xun ayayna ugu dhaawacmeen Xasan Cali, haweeney uu qabay iyo wiil sideed jira, oo uu dhalay.” Ayuu yiri Aadan Rufle oo intaa ku daray in qaraxa uu burbur ka soo gaaray gurigii uu deganaa ninkaasi.
Rufle ayaa tilmaamay in Xasan Cali uu xilligan hay’adaha caalamiga kala shaqeynayay arrimaha waxbarashada ee gobolka, sidaasina uu filayo in loo soo weeraray.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase qaraxyada ceynkani oo kala ah dalka ka gaysta maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com