Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guulo ka sheegtay hawlgal maanta ay ciidamadu ka sameeyeen duleedka Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya maleeshiyada Macawiisleyda inay maanta hawlgal ka sameeyeen deegaanada Afcad iyo Ceelbacad.
Macawiisleydu waa koox u abaabulan qaab beeleed, waxayna ka hawlgalaan deegaanada Hirshabelle.
“Hawlgalkii maanta ay ciidamadu qaadeen wuxuu ka dhacay Afcad iyo Ceelbacad, cadowgana dhibaato weynaa lagu gaarsiiyay. Sidoo kale weerarkii Afcad waxaa ka qayb qaatay Ciidamada Macawiisleyda iyo dadka Degmada Jalalaqsi, wuxuuna ku dhammaaday si wanaagsan.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in hawlgalka ka dhacay Ceelbacad lagu dilay 31 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena looga furtay hub.
“Cadowga waxaa Ceelbacad looga dilay 31 nin, inta la xaqiijiyay, sidoo kale waxaa looga furtay 14 qori oo AK47, qori BKM iyo qori Saban ah. Horeyna sidaan oo kale ayaa looga soo furtay, ciidamadii horey uga soo furtay ayaa haddana soo furtay, mar walbana waa la taggaa, waana la soo furanaa, Insha’Allah.” Ayuu yiri Taliyuhu.
General Tareedisho ayaa yiri “Nimanka Khawaariijta dalkan waxba kuma laha, maalin walbana meeshii ay yimaadaan madaxyadaa looga jari doonnaa, Insha’Allah.”
Jananka ayaa sheegay inuu doonayo in farriin uu Warbaahinta u mariyo dadka uurka kala jira sida uu sheegay Khawaariijta, ee aalaaba dhaliila guulaha ay gaaraan Ciidanka Xoogga Dalka
“Waxaan rabaa inaan halkan farriin yar u mariyo nimanka caloosha ka jirin ee Khawaariijta kala jira qalbiga ee mar walba guulaha uu Ciidanka Xoogga Dalka gaaro wax ka sheegga, waxaan leeyahay shalayna anagaa sidaan wax yeelnay, maantana anagaa sidaan wax yeelnay, meydka meesha safan-na waa Khawaariij, haddaad qaadi karto daldal adigu, waxaana idin dhihi lahaa dadyahow dalka, dadka, diinta iyo dowladnimada daacad u noqda.” Ayuu yiri General Tareedisho.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com