Somtel oo toddobaadkii 2aad abaalmarisay macaamiil fara-badan

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa toddobaadkii 2aad Abaalmarisay Ku dhawaad 1000 Macaamiil, Kuwaasoo Ku guuleystay Hadiyado Qiimo badan.

Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka & Magaalooyinka Waaweyn indaba.

Todobaadka labaad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, laptops, Gasaalado, Firinjeero, TV screens, Ipads, Dahab I.w.m.

Miski C/lahi Cabdi Oo ah Gabadhii Ugu horeysay ee ku guuleysatay bajaaj ayaa ka dhawaajisay ”Aniga Marna Ma filaneynin hadiyad Caynkaan ah inan ku guuleystay waxa ay igu NoqotayLa yaaab Marka Leey soo wacay Shirkaduna ii Xaqiijisay Inan bajaaj ku guuleystay.”

Waxaa Sidoo kale bajaaj ku guuleystay Mr Jamac Oo ah Wiil dhalinyaro oo ku nool Degmada Hodan ee gobalka banaadir

Mr Maxamed Abukar Aweys Oo ku guuleystay gasaalad isagoo aad ugu mahad-celiyay shirkadda isgaarsiinta Somtel

“Waxaan ku faraxsanahay in Somtel I abaalmariso anigoo aan ku shubasho fara-badan aan sameyn Waa nasiib xaqiiqdii waan sii labalaabi Doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel.”

Hadiyadaha Gaadiidka bajaajka ay Somtel bixisay ayaa waxa ay shaqo abuur U noqotay dhalinyarada Soonaaliyeed & Qoysaska Danyarta Kuwaasoo u baahan grab & hiilo uga timaada ganacsatada soonaaliyeed.

Shirkadda somtel Waa Shirkadii ganacsi ugu horeysay ee 10’000 Hadiyadood dib ugu celisa Macaamiisheeda sharafta leh Todobdaad kasta maalinta Jim aha ayey shirkaddu si toos ah u abaalmarisaa Guuleystayaasha Toddobaadkaas.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com