Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta gudbiyay liiska musharaxiinta qayb ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.
Madaxweynaha ayaa wareegto Guddiyada Doorashooyinka Hirgelinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ugu gudbiyay toban musharax, oo ku tarmaysa shan kursi.
Tobanka musharax, afar ka mida waxaa weeye haween, iyadoo afarta haweenka ahi ay ku tartami doonaan laba kursi, taasoo macnaheedu yahay in laba haween ahi ku soo bixi doonaan labadaasi kursi.


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com