Muqdisho oo la keenay laba ka mida ciyaartoydii ku dhaawacantay qaraxii Kismaayo

Laba ka mida ciyaartoyda kooxda kubadda cagta JCCI ee Jubbaland ayaa galabta la keenay Magaalada Muqdisho, ka dib markii xaaladooda waxba looga qaban waayay Magaalada Kismaayo.

Ciyaartoydan ayaa ku dhaawacantay qarax gelinkii dambe ee Jimcihii Magaalada Kismaayo lagula eegtay gaari bas ah, oo uu leeyahay naadigaasi.

Qaraxan ayaa galaaftay nolosha saddex qof, oo laba ka mida ay ciyaartoydii kooxda yihiin, halka kan kalena lagu sheegay wadihii gaariga. Sidoo kale waxaa ku dhaawacantay shan ciyaartoy oo kale, kuwaa oo saddex ka mida ay dhaawacyadoodu fudud yihiin.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Naadiga JCCI ayaa lagu yiri “Wasaaradaha Isboortiga, Caafimaadka, Maaliyadda iyo Xiriirrada Kubadda Cagta Somaliya iyo kan Jubbaland aad bay ugu mahadsanyihiin fududeynta howshan.

Labada ciyaaryahan ayaa dhaawacyadooda wax looga qaban waayay Kismaayo. Muqdisho ayaa daweyn loogu qaaday.

Eebbe caafimaad taam ah ha siiyo, aan u duceyno walaalayaal.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com