Xubnaha Garsoorka Galmudug oo lagu dhaariyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa galabta lagu dhaariyay Xubnaha cusub ee Garsoorka Galmudug, ka dib munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug, Cabdicasiis Nuur Xuseen, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo howlwadeenada cadaaladda.

Madaxweyne Qoorqoor oo munaasabadaasi ka hadlayay ayaa yiri “Waa Ilaahay fadligiis maantay inaan halkaan ku soo geba-gabaynay oo ku dhameystirnay Hay’addii Garsoorka, oo si buuxdo loo dhisay, oo ay maanta dhameystiran tahay.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan ku faraxsanahay Masuuliyiinta Hay’adda Garsoorka ee maanta la dhaariyay, oo runtii tartan iyo aqoon ku soo baxay, haddana way ka muuqataa dad masuuliyiin ah, shacaa’ir diineed leh, Alle ka cabsi ka muuqdo, oo aan u rajeynayno Ilaahay (SWT) inuu ku asturo oo xaqana waafajiyo, masuuliyadda culus ee cadaaladeed ee looga fadhiyo.”

Madaxweyne Qoorqoor ayaa yiri “Waxaan idin leenahay Alle ha idinku guuleeyo, xilkana ha idinku asturo, cadaaladana ha idin tuso. Alle ha idin ifiyo meesha saxda ah.”

Qoorqoor ayaa intaasi ku daray “Waxaad ku soo aadeen waqti baahi badan loo qabo garsoorka iyo cadaalaadda, laga yaabo daruufo iyo xaalado adag inaad ku shaqeysaan. Waxaan dardaarmaynaa daruuf kasta iyo xaalad kasta oo ku sugan tihiin cadalaadda inaad ku cibaadeysataan, Alle uga baqdaan dalkiina, dadkiina iyo diintiina.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com