Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ku soo baxay kursiga 3aad ee Doorashada Baydhabo

Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa noqday musharaxii 3aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed u doortaan inuu ka mid noqdo Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Aadan Cabdinaasir oo la tartamayay Maxamed Xasan Aadan ayaa helay 80 cod, halka Maxamed Xasan uu helay 6 cod, waxaana xumaaday 6 cod oo kale.

Aadan Cabdinaasir ayaa noqonaya Senatorkii 3aad ee maanta lagu doorto Magaalada Baydhabo.

Waxaa saacadaha soo socdo lagu wadaa in magaaladaasi lagu doorto laba kursi oo kale, oo ay ku tartamaan illaa afar musharax.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com