Ayaan Aadan oo ku soo baxday kursiga 2aad doorashada ka socoto Baydhabo

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay ka socotaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa ku guuleysatay kursiga 2aad doorashada ka socoto Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay heshay 79 cod, halka Farxiya Nuur Aadan oo la tartameysay ay heshay 8 cod oo keliya.

Zamzam Ibraahim Cali ayaa iyana ku soo baxday kursiga 1aad, ka dib markii 81 cod ay kaga adkaatay Shariifo Xaaji Cismaan Ibraahim, oo heshay 4 cod oo keliya.

Ayaan Aadan ayaa noqonaysa Senatoradda ugu da’da yar ee Aqalka Sare, illaa iyo iminka xubnaha la doortay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa haatan dooranaya saddexda kursi ee kale, oo ay ku tartamayaan lix musharax.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com