Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo ku wajahan Xarardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo shir jaraa’id ku qabtay duleedka deegaanka Qaycad ee Gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay inuu soo geba-gaboobay dagaalkii lagula jiray Shabaabkii ku sugnaa deegaankaasi.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ay maanta si buuxdo ula wareegeen daafacyadii ugu dambeeyay ee Shabaabku ku lahaayeen deegaankaasi.

Taliyaha ayaa afka ku ballaariyay muddo bil ka dib inaanu jirin aag dagaal oo ka sokeeye Degmada Xarardheere, halkaasoo sida uu sheegay ay gaareen firxadka maleeshiyada Al Shabaab.

General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa muujiyay in wixii haatan ka dambeeya ay ciidamada ku wajahan yihiin Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka barbar hadlayay General Biixi ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Qaranka ay guuleysteen, halka maleeshiyada Shabaabkuna ay guuldareysteen.

Hawlgalka 4-tii toddobaad ee ugu dambeysay ka soconayay Gobolka Mudug ayay ciidamadu kula wareegeen deegaano dhowra, oo horaan ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com