Kooxda kubadda cagta ee Horseed SC ayaa 41 sano ka dib ku guuleysatay horyaalka dalka (Somali Premier League), xilli ciyaareedkan 2020/2021.
Kooxda Horseed ayaa horyaalka hanatay, ka dib markii kooxda MCC (Mogadishu City Club) aanay soo xaadirin kulankii finalka ahaa ee galabta labada kooxood u wada ballansanaayeen.

Labada kooxood oo isku dhibco noqday ayaa waxaa loo baahday ciyaar kama dambeys ah, si labadaasi kooxood loogu kala saaro, tii aanay ciyaartoyda naadiga MCC soo xaadirin ciyaartii galabta lagu waday inay ka dhacdo Stadium Muqdisho.
Gudoomiyaha naadiga MCC, Abuukar Maxamed Sheekh ayaa xiriirka kubadda cagta ku eedeeyay in kulankii ay la lahaayeen dhigooda naadiga lagu naaneyso Cawo & Maalin ay qaban-qaabiyeen, xilli aan laga wadahadlin arrimo farsamo, oo u baahnaa sida uu sheegay in laga wadahadlo.
“Sababta ugu weyn ee aan ciyaartaasi u hakinay waxay tahay, intaas oo dadaal baan soo wadnay, maantana waxaan taaganahay ciyaartii kala baxa ahayd, inaan ka baxno waxa nagu kalifay waxay tahay, farsamo ahaan iyadoo laga hadlin in ciyaar la qabto suurtagal ma noqonayso.” Ayuu yiri Abuukar Maxamed.
Naadiga Horseed Sports Club oo 3-da dhibco meel cidlo ah ka helay ayaa waxaa koobka guddoonsiiyay Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Somaliya, Xamza Saciid Xamza.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com