Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan isugu yeeray Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi (Somaliland), ka dib war qoraala oo caawa ka soo baxay xafiiskiisa.
Warka waxaa lagu sheegay in kulanka uu Talaadada berrito ah ka dhici doono Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, saacaddu marka ay tahay 11:00 barqanimo.
“Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxa uu idin farayaa in aad ka soo qaybgashaan kulan muhiim ah, oo uu idinkugu yeeray Ra’iisal Wasaaraha, kana dhacaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha 03-08-2021, saacaddu marka ay tahay 11:00AM.”
Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa bishii July laba garab u kala jabay, garab taageersan Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo garab kaloo taageersan Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya, xilli Ra’iisal Wasaaruhu uu Axaddii la kulmay Gudoomiye Xaashi iyo Mahdi Guuleed.


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com